Mowqifka Aqoonyahanka Somaliland ee Doorashada Wakiiladda & Degaanka 2019

(Position Statement of Somaliland Intellectuals on Upcoming Parliamentary & Municipal Election 2019)

Wakhtiga ayaa aduunka ugu qiima badan. Hanti waa la heli karaa waana la waayi karaa, lakiin wakhti kaa lumay dib looma soo celin karo. Mushkiladaha ummadda Somaliland haysta waxaa kaw ka ah  wakhtiga oo aan la qiimayn si macno darana inooga luma. Mida kale, ummadda Somaliland sida arrimuhu u kala mihiimsan amba mudan yihiin wax ugama qabtaan.

Wakhtiga aynaan qiimaynin iyo ‘MUDNAAN’ la’aantu waxay ina dhaxalsiiyay in Golaha Guurtidu ay noqdaan gole fadhiida oo 25 sano la badalin. Golaha Wakiiladuna 8 sano mudo ah dhaafaan waqtigii la dooran lahaa halka Golayaasha Degaankuna ay 2 sano dhaaf noqdaan. Sideed iyo labaatan sano ayeynu weli Ictiraaf laanahay.

Haddaba, Somaliland waxaa jira arrimo badan oo ay tahay in wax laga qabto, Laakiin Somalidu waxay hore u tidhi: “OODO DHACAMEED SIDA AY U KALA SAREEYAAN AYAA LOO KALA QAADA”. Arrimaha ugu mihiimsan wakhtigan amba ugu mudan waxaa kow ka ah: Doorashada Golaha Wakiilada iyo Golayaasha Degaanka iyo xal uhelida arrimo ama carqalado laysku khilaafsan yahay si aaney u sababin dib-udhac ku yimaada doorashada.

Doorashada oo wakhtigeeda dib u-dhac ku yimaadaa waxay wiiqaysaa dimuqradiyada Somaliland ku taameyso ee indhaha bulshadda caalamka soo jeedatey. Teeda kale, doorasha xora oo xalaala ooy ku soo baxaan mudanayaal aqoon, karti, wadaniyad ku dheehan tahay waxay kor u qaadaysaa maamul wanaaga dawladeed iyo horumarka Somaliland hiigsanayso.

Somalidu waxay tidhaa “TALADU WAA MAR AAD GAADHO IYO MAR AAD GAADHI WAYDO”. Haddaba, waxaanu qabnaa haddii arimahan dacad laga yahay in la heli karo xal ay dadka wanaaga rabaa ay ku qanci karaan.

Arrimaha Mudnaanta Kowaad leh:

A. Saami Qaybsiga Golaha Wakiiladda

Markasta oo doorashada Golaha Wakiiladda la soo hadal qaado mudanyaal Golaha Wakiiladda ka mida oo shaqadooda gabay ayaa marmarsiiyo ka dhigta “SAMI-QABSIGA”. Kooxdani marnaba kamey hadlin sideedaa sano ee ay mudo-dhaafka ugu fadhiyeen saamigan ay diidan yihiin.
Aqalka Hoose ee Somaliland waxaa looga fadhiyey in ay xukuumadihii kala dambeeyey ku qasbaan in dalka – khaasatan degaanadda maamulka dawladnimo ka jiraan – in diiwaan galin laga qabto, laakiin marka doorashadda Golaha Wakiiladda la soo hadal qaado ma ah inay marmarsiiyo ka dhigtaan “SAMI-QABSIGA”.

Ummadda CADDAALADA ayaa deeqda. Haddaba, “saami-qaybsiga” caddaalada ku dhisani waa ka qofkasta xaqiisa siiya si qofkasta codkiisa uu xaq u leeyahay uu u helo – gobal  ama degmadda uu doono ha ka soo jeedee. Haddii aynu si kale u dhignana waa in qofkastaa codkiisa ugu codeeyo amba uu siiyo qofka Golaha Wakiiladda isaga matalaya. Taasina waxay imaneysa oo kaliya marka dadka oo dhan la diiwaan galiyo iyadoo ka dhigeysa doorashadda Golayaasha – Wakiiladda iyo Degaankaba – kuwo ku saleysan Hal-Qof iyo Hal-Cod.
Haddaba, wakhtigan yar ee doorashadda ka hadhay ma suuragalinayo in diiwaan galin kale dalka laga hirgaliyo. Wakhtigii diiwaangalin lagu qaban lahaa wey soo dhaaftey amba weynu luminey. Kolkaas waa in xal caddaalad ku saleysan la raadiyo oo aragtidayadda noqonaya saddexdan hoos ku xusan mid ahaan:

  1. Saamiga Golaha Wakiiladdu Ku Fadhiyaan

In doorashadan soo socota lagu qeybsado “Saamiga Golaha Wakiilada ku fadhiyan” imika. Haddaba marka hore waa inaynu is weydiino sida uu ku yimid saamiga Golaha Wakiiladdu ku fadhiyan hadda. Saamigan Golaha Wakiiladdu hadda ku fadhiyaan wuxuu ku saleysan yahay diiwaangalintii maxmiyadda Ingiriisku sameysey taasoo lagu galey doorashaddii Golaha Wakiiladda Somaliland ee ugu horeysey. Golaha Wakiiladda Somaliland ee 1960 gii wuxuu ka koobna 33 Wakiil oo ay ku tartamaayeen musharaxiin ka soo kala jeeday lixdii (6) degmo ee dalku ka koobna xilligaa oo iminka ah lixdan gobal ee Somaliland ka kooban tahay.

Lixdaa degmo waxay kala ahaayeen: Boorame (Awdal), Hargeysa (Maroodi Jeex), Berbera (Saaxil), Burco (Togdheer), Las-Caanood (Sool) iyo Ceerigaabo (Sanaag).

Kuraas dhan 33 ayey lixda degmo sidan u kala heleen halkaas oo 82 kursi ee Golaha Wakiiladda gobaladu ka soo jeedaan: 

2.  In Saamiga Golaha Wakiiladu ku fadhiyaan ku meel-gadh noqdo

Haddaba, haddii saamiga Golaha Wakiiladda ku fadhiyaan lagu heshiin waayo in doorashan lagu galo, markaa xalku waxaa uu noqonayaa in saamiga Golaha Wakiiladdu ku fadhiyan ku meel-gaadh noqdo laakiinse doorashada lagu galo. Gobalka cabanayana saamiga ay hasytaan loogu kordhiyo hal ama laba kursi oo sanad gudihiina diiwaan galin kale dalka laga qabto. Natiijada diiwaan galintaana saamiga Golaha Wakiiladda lagu qaybsado. Sida daradeed, waa in la isla qaato ugu yaraan afarta xubnood ee gobal kasta ugu codka yari in ay yihiin kuwo ku meel gaadha oo ay waayi karaan kurastooda marka diiwaan galinta la qabto sababtoo ah haddii Gobal kuraasi dheerad ku noqoto marka la eego diiwaan galintan dambe si loo siiyo gobalka ay ka dhiman yihiin kuraastu.

3.  Tirada Codadka u dhigma hal kursi oo Golaha Wakiiladda ah

Haddii qodabada kor ku xusan lagu heshiin waayo waxaa laga maarmaan noqoneysa in la cayimo tirada codadka ee mudanaha Golaha Wakiiladdu ku soo baxayo, dabdeedna la furo diiwaan galinta codbixiyayaasha si dadkii aan hore isu diiwaangelinin ay isudiiwaan geliyaan oo kaadhadhkooda codbixiyayaasha u qaatan, diiwaangelintan dambena lagu qaybsado kuraasta Golaha Wakiiladda si hadalku u yaraado

Diiwaan galintii codbixiyayaasha ee dalka ka dhacday dadka isdiiwaangaliyay waxay ahaayeen 873,331oo qof, halka inta kaadhadhka codbixiyayaasha qaadateyna ahaayeen 740,089 qof. Waxaa laga yaaba in tirade dadka aan is diiwaan galin ay noqdaan 20% taasi oo u dhigmeysa 175,000 oo qof. Haddaba haddii aynu yareyno oo ka soo qaadno in 600,000 oo qof codeyn doonaan doorashadan golayaasha ee soo socota, tirada codad ee mudanaha Golaha Wakiiladda soo saari karana aynu ka dhigano 5,000 oo cod, waxaa dhici kara in 82 xubnood in ka badani soo baxaan marka la adeegsado diiwaan galenta cusub ee dambe. Markaa waa in Dastuurka “KABIS DALKA” lagu sameeyo si tirada Golaha Wakiilada ee cusub loo waafajiyo Dastuurka. Dhinaca kale, haddii ay mudanayaal ku guuleysan waayaan codadka la iska rabo ee ah 5,000 oo cod wakiilkiiba taasina keento in tirade wakiiladdu ka yaradan 82 xubnood, markaas waa in Golaha Wakiilada loo ogolaadaa inay ka mid noqdaan xubnaha kuwa ku soo dhawada 5,000 ee cod gobalka uu doono ha ka soo jeedee.

Gobaladda bariga Somaliland ee maamulka dawladnimo sida buuxda u gaadhina ama dadka degaanka qaar ka mid ahi aaney ku qanacsaneyn qadiyada Somaliland waa in saamiga ay xaqa u leeyihiin la siiyo.

B.  Komishanka Qaranka ee Doorashooyinka

Xisbiga mucaridka ee Wadani waxaa uu ku dhawaqay in ayna doorasho galeynin haddii aan la badalin Komishanka Doorashooyinka Qaranka laakiin xisbiyada UCID iyo Kulmiye inay weli kalsoon ay ku qabaan mudanayaasha komishanka doorashooyinka ayey muujiyeen.

Xisbiga Wadani ma uu keenin cadaymo lagu qanco oo Komishanka Doorashooyinka Qaranku shaqadooda ku waayayaan. Teeda kale, haddii doorasho kasta xibiga guul dareystaa uu marmarsiiyo ka dhigto in Komishanka Doorashooyinka Qaranka la kala diro, waxay dalka ku keeneysaa in aan doorasho dambe la qaban karin.

Doorashadii madaxtooyada waxaa ku tartamayey 3 musharax oo jagada Madaxweynaha u taagnaa iyo 3 Madaxwayne-ku xigeen. Laakiin doorashada Golaha Wakiiladda oo qudha waxaa ku tartamaaya 246 musharax iyo boqolaal musharaxiin oo Golaha Degaanada u tartaamaya. Kolkaas, ma hawl yara oo macquul maaha in la kala diro Komishanka Doorashooyinka Qaranka oo waayo aragnimo badan u leh qabashada doorashooyinka.

Sida daradeed si kalsoonida xisbiyadu ku qabaan Komishanka loo daweeyo loona xoojiyo waa in la abuuro gudi ka kooban saddexda xisbi oo Komishanka doorashooyinka Qaranka la shaqeeya. Gudidani waa inay la socdaan hawlaha Kosmishanku qabanaayo, iyo  inay hubiyaan muraaqibiinta ay soo xulayaan Komishanku Doorashooyinku. Tallaabadani waxay keeneysaa in cabashooyin badani meesha ka baxaan.

C.  Xulista Musharxiinta Golaha Wakiiladda iyo Degaanka

Ujeeda doorashada loo qabanayaa waxay tahay in la helo gole wakiilo iyo gole degan oo hawsha ay qabanayaa ka soo baxa. Somaliland way ku khasartay golaha wakiilada iyo golaha deganka ee ay doorateen. Labada golaba way gabeen hawshee ay ummada Somaliland u soo doorteen.

Haddaba, su’aasha waxay tahay;

Sidee loo heli karaa musharaxiin tayo, karti iyo aqoon lagu doortan leh? Yase tahay in ay soo xulan mushaxiintasi?

Golaha Wakiiladu waa golaha sharci darjinta, waxaa loo bahan yahay dad fahansan dawladnimada, aqoon jamacadeed, wayo aragnimo, karti iyo wadanimo ay ku hanankaraan shaqadani leh. Dawlada hoose waxay maamushaa magaalooyinka dalka. Mayarka iyo golaha degaanku waa dadka hawshan qabanaya. Sida daradeed, waa in la soo xulo dad ugu yaran aqoon dugsi sare leh, karti iyo wayo aragnimo ay ku hanan karan shaqadana leh.

Musharaxiinta golaha wakiilada iyo golaha deganka waxaa soo xulay oday-dhaqameedo iyo af-miisharo aan fahan sanayn waxa golaha wakiilada iyo deganku qabtaan. Tasina waxay Somaliland dhaxal siisay in golaha wakiiladu iyo golaha deganku oo fadhiida, oon fahansanayn hawsha ay qaranka u hayaan.

Haddaba, laba mid ayay inoo tahay:

In Oday dhaqameeda ay mar kale soo xulan musharaxiin aan u-qalmin in la doorto, kuwo aan fahansan shaqada ay qabanayaan. Tani waxay Somaliland dhaxal siin doonta dawlada kala dhantalan. Hawsha dawladu waxay iskugu ururi doonta xukuumada ama madaxtooyada. Iyo

In saddexda xusbi soo xushan musharaxiinta golaha wakiilada, mayarada iyo golaha deganka. Xusbiyada oo la kashanaya aqoon yahanadooda iyo dadka ayaha ubadkooda ka fakiraya ee degmo-kasta. Marka degmo-kasta (ama beelkasta) waa in ay iska soo xulaan dhawr qof oo aqoon, karti iyo wayo aragnimo ay ku hanankaran jagada ay u tartami doonan, isla markana haysta dhaqalaha doorashada ay ku galayaan. Kadibna, xusbiyadu ka soo dhex xushaan qof musharaxa u noqonaya.

Dadkeenu waa is yaqanan. Degmo ama beelkasta way taqaan dadka ay wax u dhiibanayaan ee ka soo baxaya shuruudaha la iska rabo. Lakiin haddii odayaal dhaqameed iyo af-miisharka la yidhaa soo xula musharaxiinta, waxay soo xuli doonan kuwa ugu dhaw dhaw iyaga ee qaadka u qaada. Musharaxiinta odayashani inoo soo xulaana waxay noqon doona kuwo ka liita kuwa hada jooga.

D.  MAYARADA SI TOOSA LOO DOORTO

Mayarka iyo mayar ku-xigeenka casimada iyo magaalooyinka waawayn ee dalka waa in si TOOSA LOO DOORTO. Tani waxay keenaysaa in jagooyinkani isu soo sharaxaya dad khibrad iyo aqoon ay ku hanan karan shaqadan leh. Teeda kale, calamka dimuqradiyada ku dhaqma si toosa ayay u doortan mayarada/mayar ku-xigeenada. Haddiise 20 ama 25 xubnood ee golaha deganka is cugtan. Marka, hogaankii magaladu u bahan tahay ayaa meesha ka baxaya. Arintuna waxuu noqonayaan is qab qabsi joogta ah. Mayirada sidan lagu soo doortana waxba ma qaban karo.

Tusaale ahaan, magalada Hargaysa waxay leedahay 25 gole degan oo la doorto, tani waxay ka dhigtay in magaladu yeelato 25 mayar, oo isku awooda. Tani waa ta keenaysa in ayna is ixtiraamin oo had iyo goor is qab qabsadan. Lakiin marka mayaradu si toosa loo doorto, waxa u kala qaybsan awooda mayarada iyo golaha deganka.

Masuuliyada madaxwaynaha iyo golaha wakiilad waa la kala xadeeyay, mid kasta hawshiida ayuu qabsada, lakiin iskuma qabsadan cida maamulaysa hogaanka dalka.

Haddaba, dawlada hoose waxay la mid tahay dawlada dhexe oo kale. Sida uu madaxwaynuhu u yahay hogaanka qaranka, ayuu mayaraduna u yihiin hogaanka magalooyinka.

Sida golaha wakiiladu sharciyada dalka u sameeyaan, miisaniyada xukuumada ku shaqaysana dib u eegid ugu sameeyaan. Ayaa golaha deganku u sameeyan sharciyada lagu maamulayo magalada (City ordinances), miisaniyada mayarada u soo bandhigana ula eegaan.

Teeda kale, waa in la dhimo tirada golayaasha deganka, oo kala badh laga dhigo. Dhaqaalaha magaalooyinku waxay ku baxaan mushaharooyinka xubnaha golaha deganka, dhaqaalihii dadka magaalada ku nool wax loogu qaban lahaa.

Gabagabadii, wakhti badani kama uu hadhin doorashada Golaha wakiilada iyo degaanka, waxaa loo bahan yahay inta ka horaysa in la qabto shirar arimahani lagu xalinayo, in sharciyada doorashada wax laga badalo iyo in la soo xulo musharaxiin u tartamaya jagooyinkani.

Fadlan haddii aad akhriday qoraalkan oo aad ku qanacsan tahay tallooyinka ku xusan halkan

Foomkan Buuxi

Maxaa Udana Somaliland (Somaliland First)