Indheergarad la Yeeshay!

Indheergarad (intellectual) waxa uu dadka u yahay qof meeqaamkiisu ka sarreeyo inta caadiga ah. Taana wuxuu ku kasbaday in uu leeyahay astaan muhiim ah: naqdin. Indheergaradku asalkiisaba wuxuu u jiraa in uu wax naqdiyo. Wuxuuna naqdintiisaa ku soo bandhigaa habab kala duwan, oo uu u weyn yahay qoraalku. Sida uu qabo Edward Said, kaalinta indheergaradku waa in uu naqdiyo awoodaha jira. Awoodahaana waxa ka mid ah midda siyaasadeed.

Curiskiisii dheer ee uu 1967 daabacay, “Mas’uuliyadda Indheergaradka – The responsibility of intellectuals,” ayuu Noam Chomsky ku dooday in xilka indheergaradka saarani yahay in uu runta sheego oo uu beenta feydo, iskana ilaaliyo guulwadaynta. Indheergaradku u ma guulwadeeyo bulshada, oo u ma sheego hadba waxa ay jeceshahay in ay maqasho. Sida oo kale, waana ta u muhiimsan e, u ma nacamleeyo xukuumadda jirta, si uu u hanto kalsoonidooda. Laakiin wuxuu sheegaa hadba waxa sax ula muuqda, isaga oo aan niyadda ku hayn cid iskaga dhis.

Marka uu indheergaradku ka gaabiyo hawshiisa aasaasiga ah ee naqdinta, wuxuu noqdaa weel aan cidla’ istaagi karin oo ay wax ku shubtaan dadka iyo duruufaha hadba tun jilicsadaa. Tusaale ahaan, wuxuu noqdaa qof aqoomeeya, oo karaamada cilmiga huwiya, go’aannada iyo tallaabooyinka hadba ciddaa uu ka gadmo. Inta badan xukuumadaha ayuu u guulwadeeyaa, oo wuxuu noqdaa waxa uu Pascal Boniface ku sheegay “indheergarad faalso ah.”

Indheergaradka dhabta ah ee xorta ahi aad buu u cabsi geliyaa xukuumadaha iyo awoodaha kale ee bulsho ka dhex jira. Waxa taa ina dareensiin karta weedha laga reebay wasiirkii warfaafinta ee Jarmalka, Joseph Goebbels, markii uu lahaa “kolka aan maqlo erayga ‘indheergarad’, baaskooladdayda ayaan daydaydaa!” Qoraa Cabdifataax al-Xamaamuushi wuxuu ku dooday in baqdinta noocaas ahi keento “nidaamyada goljilicsan in ay waswaas ka muujiyaan xaqiiqada iyo faafiddeedaba.” Maqaalkiisa xiisaha leh ee “Indheergaradka kirada ah” ayuu ku faaqiday sida indheergaradkaa kirada ahi uu xukuumadaha runta neceb uga saacido “foojariyaynta runta iyo dhaldhaalinta suuradda taliska, taas oo keenta hallaabinta wacyiga bulshada iyo unkidda waaqic aan jirin.”

Indheergaradku haddiiba uu u yeelo sidaa xukuumaduhu rabaan, wuxuu ku kacaa, aniga oo adeegsanaya erayadii faylasuufkii reer Faransiis ee Julien Benda, “khiyaano indheergarad (treason of intellectuals).” Khiyaanadaasi qaabab kala duwan ayay wax u yeeli kartaa ummadda. Waxa ugu yar in ay ka aaminbaxaan cid kasta oo aqoonyahan u sheegata, iyo aqoontaba, oo ay u fahmaan in waxa lagu dagay ay tahay aqoonta uu ku tilmaamnaa qofkan khiyaamay.

Sidaa marka xaal yahay, waxa habboon in la iswayddiiyo: Soomaalida dadka indheergaradka u sheegtaa ma kuwo faalso ah oo kiroole ah baa, mise waa kuwo xor ah oo dhab ah? Aniga oo aan ka baqayn in wax igaga soo noqdaan, waxa aan ku doodayaa in ay sifada hore leeyihiin!

Horta marka kowaad, dadkan aynu u naqaanno indheergaradku waa jaamiciyiin. Waa dadkii ay waalidkeen odhan jireen “hebel waa mutacallin.” Eraygaasi waa midka sida ugu fiican u qeexaya: waxay dhigteen jaamacado, in muddo ahna waxay ka noqdeen barayaal uu hago manhaj, dabadeed waxay yimaaddeen dalkii iyaga oo cidda keli ah ee ku faraxsani ay yihiin qoyskooda ay wax u soo barteen, ee innamadoodii ay jaamiciyiinta u noqdeen!

Badankooda waxa laga habaaray in ay wax qoraan. Qoraa Siciid Jaamac wuxuu maqaal ku jiray buuggiisa “Ma Innaguun Baa,” kaga sheekeeyay waaya-aragnimadiisa magacyo waaweyn oo dadku indheergarad u yaqaannaan. Wuxuu carrabaabay in uu shakhsiyan u yaqaanno kuwo kuwaas ka mid ah oo majalladaha iyo wargeysyada maalinlaha ah doorbida halkii ay buug ama maqaal cilmi ah ka akhrin lahaayeen. Akhrintii baa laga hadlayaa, qoridi ha joogto e. Taasi waxay sida cadceed muraayad ku dhacday uga muuqataa habdhaqankooda. Waxa gebi ahaantood ku yar dhaqanka qorista. Kooda wax qoraana, inta badan, wuxuu magan u noqdaa abtirsiintiisa iyo in uu cid iska dhaadhiciyo. Waa guulwade. Ama oday dhintay oo qabiil ku abtirsado ayuu iska dhaadhicinayaa, ama kuwo nool oo uu malaha wax ku qabo.

‘Indheergaradka’ Soomaaliga ahi—waana muhiim in eraygu labada kolmood ku dhex jiro—wuxuu u rahman yahay in uu iska dhigo qof shaadhkiisu nadiif yahay, oo ‘dhexdhexaad’ ah. Wuxuu u nool yahay in uu dadka u madaxbuuxiyo. Dhammaan dhinacyadu ha ku majeertaan, oo yaan lagu dhaliilin, ayaa u ah isirka ay wadaagaan. Waxaana ku badan kibirka iyo in ay isu haystaan haldoor ka mudan dadka intiisa kale. Haldoornimaduna (elitism), sida uu Cali Xarbi ku qaadaadhigay buuggiisa “Dhalanteedka Haldoornimada iyo Naqdinta Indheergaradka – أوهام النخبة أو نقد المثقف” waa dhalanteed hoda qofka. Waayo, qofkii wuxuu isu arkayaa in uu muhiimad gaar ah leeyahay, ka dibna si uu u muujiyo in uu muhiimad gaar ah leeyahay ayuu gooni isu soocayaa, dadka aan muhiimaddaa goonida ah lahaynna iska takoorayaa. Waxaana soo baxaya dad is urursaday, oo jaaliyad ku dhex ah dadkoodii.

Jaaliyadnimada indheergaradku waa halis. Waayo, marka qofka indheergaradka ah uu la macaamilo indheergarad kale uun, waxay ka wada sheekaysan karaan uun waxyaabo ay markii horaba yaqaanneen. Waxna isku ma soo kordhinayaan. Waana dhaqan aad u halis badan. Sababta oo ah, wuxuu sahlayaa in dadku dabaqado aqoonta ku dhisan noqdaan: koox aqoonyahanno ah oo ku wadhwadhatay aqoonta, iyo koox caammo ah oo aqoontuba maqaalo ku tahay! Indheergaradku wuxuu waxsoosaar loo aayo yeeshaa marka uu la falgalo, ee uu weliba si dhab ah u turjumo, dadka uu indheergaradka u yahay. Dadweynaha in uu u hadlo. Waa tan midda uu ka hadlayo Edward Said, buuggiisa “Kaalinta Indheergaradka – Representation of Intellectuals.” Kaalinta indheergaradkuba waa in uu dadka metelo, kuna metelo in uu talisyada naqdiyo. Taa haddii laga waayo, waa tuuris.

Haddaba, waxa Soomaalida ku badan ‘indheergarad’ tuuris ah. Wuxuu ku suntan yahay sifo kasta oo ay ahayd in uu ka dheeraado: waa guulwade, waa kibraani… Waxaana foodda hore kaga qoran: kira-u-joog (for rent)!

Shaqadooyinka kale, ee uu qabto, balse ay ahayd in uu ka dheeraado, waxa ka mid ah in uu dadka dib u dhigo. Wuxuu qaadhaan ku darsadaa sidii ummaddu wahsi iyo ugu waari lahayd xidhxidhnaan. Wuxuu buunbuuniyaa collaysiga “iyaga”, in ay shar yihiin dadka kale, iyo dhibbanannimada “innaga”, in ay dhibbane u nahay ficillada “iyaga.” Tan iyo xilli aan xasuus lagu soo koobayn, wuxuu ‘indheergaradka’ Soomaalidu tooshka u siday sharaynta dadka kale, iyo abuuridda nacayb xaddhaaf ah. Tan waxa aan u kala hadhin labada qaybood ee uu indheergaradka u kala qaybiyay faylasuufkii reer Talyaani ee Gramsci: indheergaradka soojireenka ah (traditional intellectual), sida barayaasha, wadaaddada…; iyo indheergaradka hawlgalka ah (organic intellectual), oo ah badanaa kuwa mutacallinnimada ku darsaday feker naqdin ah oo ay kaga hawlgalaan bulshada dhexdeeda. Way yar tahay inta ku badbaadday in ay ummadda ka badbaadiso qalaha iyo didmada ay ku waajahdo dadka ka duwan.

Si aynu u fahanno ‘indheergaradka’ caynkan u jawaafan, waxaynu u baahanaynaa tusaale nool. Ka ma leexleexanayo in tusaalaha ugu fiican, ee ugu danbeeyay, ee aynu arrintan u soo qaadan karnaa uu yahay Axmed I Samatar. Maanta haddii la yidhaahdo ha la tiriyo dadka u sharraxan liiska ‘Indheergaradka Soomaalida,’ waa dadka loogu soo hor xasuusanayo. Balse wuxuu ahaan lahaa dadka aan liiskaa laguba dareen. Sababtuna waa fududdahay.

Samatar wuxuu dhawr tobanguuro (decade) ku soo dhex jiray saaxadda guud ee Soomaalida. Sida qayrkii, jaamacad buu ka qalinjebiyay, mid kalana macallin buu ka noqday. In kasta oo waxa uu qoray ay iska kooban yihiin, marka loo eego muddada dheer ee uu xaaladda ku soo dhex jiray, haddana waxay u badan yihiin muranka deraasaynta Soomaalida. Taana wuxuu mariyaa dhaashiga baaliga ah ee dadku ku indhakuusho: “Soomaalidu waa dad gob ah, oo guni rifayso!” Waa ‘indheergarad’ dadka u guulwadeeya.

Tusaale ahaan, wuxuu ku dooday in Soomaalidu aanay qabyaaladiistayaal ahayn, oo ay taa daliil u tahay in gabyaa Timacadde uu mariyay gabay uu ku jiro meeriska: “Dugsi ma leh qabyaaladi waxay dumiso mooyaan e!” Haddii aad is wayddiinayso sida uu taa ku keenay, oo ummad dhan xaalkeeda uu uga tusaale qaatay qof gabyaa ahaa, waxaad ku noqotaa qodobkii haldoornimada. Sida uu u fekerayo cid kasta oo waafaqdaa waa u haldoor, oo wuxuu u arkaa in uu dadka ka sarreeyay. Dhanka kalana, haldoorka oo keli ah baa dadka meteli kara, waayo inta kale waa maangaabyo aan isku filnayn! Waa sidaa caqliyadda Samatar ka yeedhsiisay dooddaas aadka inooga qoslinaysa.

Wixii ka danbeeyay 2012, wuxuu caadi uga soo dhex muuqday mashiinka siyaasadda ee Soomaalida. Wuxuu ka bilaabay in uu madaxweynannimo uga tartamo Soomaaliya. Balse wuu la waayay. Taasi ceebaal may lahayn. Oo waa arrin dhacda in qof baratamay uu waayo wixii uu u tartamay. Laakiin waxay qisadu ka dhalatay Samatarkii ka danbeeyay doorashadaa.

Isla markiiba wuxuu xanaaq ka qaaday natiijadaa. Wuxuuna isaga oo buuftaamaya ku noqday halkii uu ku maskax ahaan ku soo barbaaray ee Maraykanka. Sida lagu yaqaan ‘indheergaradka’ Soomaalida, waxba muu qorin. Keli ah wuu hadlay. Aadna wuu ugu faanaa in uu hadli og yahay, oo wuxuu tixraacaa in uu mar ka shaqayn jiray laanta af Soomaaliga ee BBC. Waa sidaa. Haba hadlo e, muxuu yidhi? Wuxuu waxmagarato dhabarka u jeedisay ka soo qaaday dadkii uu Muqdisho ku soo arkay. Marka aad arrimaha guud ka wada hadlaysaan, aqoonyahan baad u tahay, ayuu ku cataabay. Balse markay siyaasad noqoto, “halkaa ka soo kulaal baa lagu odhanayaa,” ayuu si ciil leh u yidhi. Wuxuu xataa sheegay in uu soo arkay qashin badan oo tuulnaa magaalada! Sidii caadiga ahayd, wuxuu bilaabay in uu dadka guhaadsho, oo uu inooga sheekeeyo carruurta calooshoodu qaawan tahay ee soo arkay, oo aan waxba ka khusayn doorashadii uu ku soo guuldarraystay!

Waxoogaa buu isa soo dejiyay, dabadeed cadhadii (ama, sida uu isaguba ku sheegay, ‘yaqyaqsigii’) kula soo noqday Hargeysa. Waa goob kale oo dunida ku taal, oo uu weligii ku doodi jiray in aanay xaq ahayn goosashadeedu. Bishii Juun, 2013, ayuu magaalooyinka Soomaalilaan ku soo wareegay. Wuxuuna saddex sano marba imanayay Soomaalilaan, si uu muxaadarooyin ugu jeediyo ardayda iyo dadweynaha kale. Haa, muxaadarooyin. In uu wax qoro waxba ku ma falayo. Hadal. Dhuran. Muxaadaro. Aftahamo. Afmiishaarnimo. Afkuxooglannimo. Afmaalnimo. Erayadaa u soo ururi. Inta aan ka warhayo, ilaa hadda muu qorin hal maqaal oo uu kaga sheekaynayo sababta beddeshay fekerkiisii Soomaaliweyn, ee mar keli ah cishqiga u qaadsiisay Soomaalilaan.

Markan wuxuu isu arkaa, dad badanina u arkaan, siyaasi. Waa ninkii berigii madaxweynannimada isu sharraxay! Madaxweynannimada, oo Soomaali badani u taqaanno in ay tahay han qofku yeesho, wax ka yar in aanu doonayn ayaa loo maleeyay. Isaguna malahaa wuu dhawdhaweeyay, markii uu saddex gu’ oo buure ah ka dib, bishii Juun, 2016, ku biiray xisbiga talada Soomaalilaan ilaa 2010 hayay ee Kulmiye. Muxuu haddaba ku soo kordhiyay? Hadal.

Wuxuu durbadiiba bilaabay in uu hadal ku fidiyo waxa Muuse Biixi rabo, iyo in uu yahay qofka ugu wanaagsan ee u qalma in magaciisa Madaxweyne la raaciyo. Sidee buu taa u maray? Hadal.

Markan wuxuu isu rogay Samatarkii guulwadaha ahaa! Wuxuu si caqligu aanu waxba ku lahayn u buunbuuniyay Muuse Biixigan isaga hortii ummadduba taqaannay. Dhawr saacadood baan la fadhiistay, ayuu yidhi. Tayadiisa ayuu dabadeed sharxay. Waa nin wax dhegaysta, ayuu yidhi. Sidii oo uu qofkani u sharraxan yahay in uu macallin dhegaysi badan ka noqdo dugsi Qur’aan dhawaan la furi doono! Dhegaysiga maxaa ku xiga, marna ka muu hadal. Qof kasta oo dhego qabaa wax wuu dhegaysan karaa, balse hoggaamiyayaashu waxay isku dhaafaan in ay tallaabo qaadaan dhegaysiga ka dib. Samatarkii guulwadaha ahaa waxba ka muu odhan dhegaysiga waxa ku xiga.

Markii uu wanaag kasta huwiyay qofka uu Muuse Biixi yahay, iyo waxa uu xisbiga Kulmiye u taagan yahay, ayuu ku soo koobay hadalkii: u codeeya! Kaadhka aqoonta ayuu si weyn u adeegsaday. Sidii oo aqoontuba ay tahay beer waalidkii uga dhintay oo ku taalla Gebiley! Wax kasta oo uu sheego, xataa marka uu ka hadlayo bariidin uu ugu tegay, wuxuu rabay in uu dadka uga dhigo arrin si cilmiyaysan loo dersi karo, iyada oo aan la garanayn hal wax oo uu si cilmiyaysan u sheegay. Waxaana laga yaabaa in tan xidhiidh laga la dhexaysiiyo hadalka uu Muuse Biixi, oo madaxweyne ahi, uu ardayda ku lahaa gadhkaygu sababta uu ku cirraystay cilmibaadhis bay idin ka rabtaa! Cilmi. Waa cilmiga dib u heego dhaca, ee uu Hadraawi sheegayay.

Sidee buu mustaqbalka Soomaalilaan u arkayay? Maalmihii u dalka yimi, inta aanu Kulmiyaba ku biirin, wuxuuu hadalladii uu meelaha kala duwan ka jeediyay ka mid ahaa mid uu ku ‘saadaalinayay’ (ugu yaraan sida boodhka ku yaallay), mustaqbalka Soomaalilaan. Dabcan waa shaqada indheergaradka in uu naqdiyo waaqica, oo uu saadaalin karo timaaddada. Balse muxuu yidhi Samatarkeennu?

Soomaalilaan mustaqbalkeeda saddex buu ku koobay: in ay sidan sii ahaato, in ay ka sii wacnaato, iyo in ay ka sii darto! Ha ka shakiyin, si sax ah baad erayadaa u akhriday. Sidaas buu yidhi. Wuxuu soo urursaday dhammaan ixtimaallada suuragalka ah. Ta ay ula badan tahayna muu raacin. Muxuu sidaa u yeelay? Wuxuu u guulwadaynayaa dadka dhegaysanaya. Ma rabo in la yidhaahdo waa maxay qofkan wax naqdinayaa! Waa kaa ku nasiibsaday. Saddexdaa ixtimaal kii dhacaaba waa kii uu sheegay, oo wuxuu u fekerayaa sidii oo looga garaabi doono. Maradiisa ayuu dhinbiisha ka ilaalinayaa. Qof raba in maradiisu u bedqabtaana, indheergarad ma noqdo e, dukaan cadarka iibiya in uu furto ayaa u roon!

Kulmiye. Doorasho. Muuse. Intaa markii uu ku soo celceliyay, ee Soomaalilaan mustaqbalkeediina sidaa uga hawl yaraystay, ayaa la codeeyay. Muuse Biixina wuxuu noqday sidii uu la rabay. Maxaa xigay? Durbadiiba, sida uu Biixi u dhigay, dad baa fartoodii eeday! Samatarka ayaa ka mid ahaa. Walow aan u badinayo in aanu codayn (maaddaama xilligii muwaaddiniinta iyo codbixiyaayaasha la diiwaangelinayay uu inteeda badan maqnaa), haddana kollayba wuxuu eeday fartii uu ku haystay mikifoonka uu ka taageerayay Biixi.

Diidmadiisa wuxuu ku muujiyay dhawr meelood. Hadal ayaa u badnaa. Waraysi buu bixiyay, oo uu ku sheegay in sida Muuse wax u wado taageersan yahay, haddana diiddan yahay! Walaaciisa u weyni wuxuu ahaa sida uu xukuumadda u soo dhigay. Waxa la sheegay in uu buugga barnaamij siyaasadeedka Kulmiye wax ka qoray. Balse la ma moodo in uu qoray arday uulo dhigta oo far Soomaaliga barbarad ku ahi! Waxa ku qoran wax aan qiyaas iyo halbeeg lahayn, sida “xukuumaddu waxay dhiirrigelinaysaa….” Dhiirrigelintu waa hawl aan halbeeg lahayn, oo aan la sheegi karin in la gaadhay iyo in kale. Sida caadiga ahna, maanifeestada xisbiga waxa lagu qoraa wax la beegi karo hadhaw oo lagu la xisaabtami karo. Taasi waxay Samatar u ahayd laylis akhlaaqeed oo uu ku dhacay.

Ugu danbayntii wax buu qoray. Geeska Afrika isbeddellada ka dhacayay Soomaalilaan maxaa uga gudboon, ayuu iswayddiiyay. Laakiin maqaalkiisa intiisa badan wuxuu ku naqdiyay hoggaaminta Biixi, iyo in taageerayaashiisu fartoodii eedeen. Waa war fiican in uu wax qoray. In kasta oo uu ku qoray af Ingiriisi, oo uu yar yahay saamiga taageerayaashii Kulmiye, iyo reer Soomaalilaan, ee wax ku akhriyaa. Balse maqaalkaasi wuxuu si kasta u muujiyay in uu Samatar badhtanka u fadhiyo khiyaano indheergarad. In uu Samatar ahaa ‘indheergarad’ muddadii ololaha u ijaarnaa Kulmiye, ka dibna iminka dareemaya in xadhko faalsannimo ku xidhxidhan yihiin. Ugu yaraan, wax buu dareemay!

Frantz Fanon wuxuu buuggiisii caanka ahaa ee “Silcayaasha Dhulka – The Wretched of the Earth,” si weyn ugu dooday in indheergaradku haddii aanu qayb ka ahayn xalka, uu sida cad qayb roon ka yahay dhibta. “Diyaargaraw-la’aanta dabaqadda wax baratay, sida aanu dhab ahaan u jirin xarriiq isku xidha iyaga iyo dadweynaha, wahsigooda, iyo—aynu dhahno e—fulaynimadooda xilliga halganka ee loo baahan yahay, waxay keeni doonaan shil aan la mahadin!” Kolka ummadda ‘indheergaradkeedii’ la yeesho, ee uu dhabarka u jeediyo, waxa keli ah ee la wada sugayaa waa in halaagga dhacay aan loo kala hadhin.

Qore:

Cabdicasiis Guudcadde


Digniin:Fikradaha iyo Aragtiyada la soo sheegay waxay yihiin kuwo qoraaga / qorayaasha u gaara oo aan ka tarjumeyn aragtiyada Machadka Indheergaradka Somaliland (SII) iyo kafiiladooda. Qoraal amba fariin fadlan adeegso emailkan webmaster@somalilandintellectualsinstitute.org February 19, 2019