Year: 2017

Isla-xisaabtanka Iyo Nidaamka Cashuuraha ee Somaliland

  (Accountability in the Taxation System in Somaliland)

Ebba Tellander waa Kaaliye Cilmibaadhis ka mida Machadka Cilmibaadhista Nabadda ee Oslo(PRIO). Maxamed Aadam Xassan waa Cilmi Baadhe la shaqeeye Xarunta Cilmibaadhista Magaalooyinka iyo Bulshada (CUCR) ee kutaal Goldsmiths, Jaamacadda London.

Waxaa kaloo mahad leh Ahmed Atteye oo gargaaridka geystey xog ururinta cilmi baaristan.

Waxa jira tiro caqabado dhab ah oo hortaagan isla-xisaabtanka la xidhiidha nidaamka cashuurta ee Somaliland. Dhameyso Akhriska “Isla-xisaabtanka Iyo Nidaamka Cashuuraha ee Somaliland”

Sigaarka: Dilaaga Dahsoon!

Cabdicasiis Guudcadde

Sigaarcabiddu waxa ay ka mid tahay sababaha ugu horreeya ee geerida keena. Waxaa lagu dooday in saddexdii qof ee sigaar qiijiyaba, hal qof uu u dhinto tubaakada.[1] Sidaas oo ay tahay, weli dadku waa ay ku sii adkaystaan. Waxa inta badan laga hadlaa halisaha duleed ee sigaarka. Kansar, neefsashada oo xumaata, hawada oo dikhawda iyo qodobbada la mid ah. Balse kasmanafeeddu (psychology) waxa ay xoogga saartaa dhan kale oo qodobbadaa dhammaystir u ah; saamaynta nafeed iyo dhimir ee qiijinta sigaarta. Dhameyso Akhriska “Sigaarka: Dilaaga Dahsoon!”

Ictiraafka Somaliland Oo Ka Dhaw Meel Aan Laga Fileyn.

Qore: Khalid Maxamad Cali – xubin ka mid ah (SII)  –  oo dhigtay cilmiga  (Strategic Innovation)

Tallo ku socota xukuumadda cusub ee Somaliland

 

Muddo 26 sanno laga soo joogo, ayay Somaliland ictiraaf buuxa ka raadinaysay beesha caalamka, iyadoo markeedi hore ba ay ictiraaf buuxa ka heshay dhawr iyo soddon waddan 26 June 1960. Haddaba 26 sanno Dhameyso Akhriska “Ictiraafka Somaliland Oo Ka Dhaw Meel Aan Laga Fileyn.”

Dr. Edna Adan oo 80 Jirsatey

Jaaliyadda Somaliland oo ay hormood u tahay Ambaasidoor Ayaan Maxamud – Madaxa Safaaradda Somaliland ee Ingiriiska- ayaa maalintii Septemper 10, 2017 isugu yimid kulan ay ku hambalyeynayaan Dr. Edna Adan  xilka cusub ee loo magacaabay inay Somaliland Wakiil Gaara uga ahaato wadahadaladda ay la leedahay dawlada Federaaliga ee Somaliya iyo weliba iyadoo ku hambalyeeyey 80 jirkeedii oo maalintaas ku begneyd.

Dhameyso Akhriska “Dr. Edna Adan oo 80 Jirsatey”

Baraha Bulshada mise Buugta?

Waqtiga kaaga baxa baraha bulshada sannadkii waxa aad ku akhrin kartaa 200 oo buug!

Waxaa Qoray: Charles Chu  (Af Ingiriisi )
Waxa Tarjumay: Cabdicasiis Guudcadde [Af Soomaali]

Qof baa maalin wayddiiyay Warren Buffett sirta guushiisa. Waxa uu Buffett xusay miisaanka buugta oo waxa uu yidhi: “Maanta oo kale akhri 500 oo bog. Waa tabtaa sida aqoontu u hawlgasho. Sida dulsaarka cufan ayaa ay u biirtaa. Waana wax aad qaban kartid, balse waa aan dammaana qaadi karaa in badankeedu aanu qaban doonin.”

Labo gu’ ka hor markii aan odhaahdaa Buffett arkay, wax baa si ahaa. Waxa ay ahayd Deseenber, 2014. Shaqadii aan ku riyoon jiray ayaa aan helay. Maalmo door ah ayaa inta aan dulfadhiisto shaqadii aan ku riyoonayay ka fekeri jiray, “Ilaahayoow, ma sidan baan ahaanayaa afartan gu’? Ma rabo in aan sidan u dhinto…” Dhameyso Akhriska “Baraha Bulshada mise Buugta?”

25 Sano Ka Dib Maxaa Hor Taagan AQOONSIGA?

Qore: Cabdirashid Ibrahim Cabdiraxman

Muddadii 25 ka sannadood ahayd ee Somaliland dib ula soo noqotay dawladnimadeeda waxa u qabsoomay horumar iyo waxqabad bulshada caalamku u riyaaqday. Waxaa dib loo unkay nidaamkii dawladnimo (Fulintii, sharci dajintii iyo Garsoorkii), ciidamadii kala duwanaa, lacagtii iyo sharciyadii dalka, waxaa si baaxad leh u dhismay magaalooyinkii dalka, gacansigii, waxbarashada iyo dhamaan calaamadihii dawladnimo iyadoon caawimo ka helayn haba yaraatee beesha caalamka (World Bank IMF). Dhameyso Akhriska “25 Sano Ka Dib Maxaa Hor Taagan AQOONSIGA?”

Maxaa Dhiirigelinaya Ficillada TABAN ee Imtixaanaadka Shahaadiga ah

Qore: Cabdirashid Ibrahim Sh. Cabdirahman

Qiimaynta horumarka waxbarasho ee ardaygu waxay xaqiijisaa in la gaadhay ujeeddooyinkii waxbarasho ee dal lahaa iyo in kale (Wheeler, 1997). Sidaa uu ku doodayo Nevo (1995) qiimayntaasi siyaabo kala duwan ayay u arkaan khubarada waxbarashadu; qiimayntu waa mid xog siinaysa go’aan qaatayaasha waxbarashada si ay u qaataan go’aanno horumarineed oo ay ku hagayaan waxbarashada dal., waa hab lagu ogaanayo macluumaad sax ah oo ku saabsan tayada ama tayo la’aanta shay ka tirsan manhajka waxbarashada ee dalkaasi ku dhaqmayo si loo helo jiilkii hoggaamineed ee mustaqbalka dalka ee qaabayn lahaa bulshadaasi. Dhameyso Akhriska “Maxaa Dhiirigelinaya Ficillada TABAN ee Imtixaanaadka Shahaadiga ah”